Sunday, April 20th, 2014

Wax ka ogow mucjisada qur’aanka ee Suuradda SAF & Magacyada Axmed iyo Muxamad (Subxanallah)

SUURADDA SAF & MAGACDA AXMED IYO MUXAMMAD (Mucjisada Quraanka kariimka)
Suuraddani Saf, waxay kamid tahay suuradaha si cad ee qof waluba uu fahmi kara u muujinaya mucjisada
Quraanka kariimka ah. Waa suuradda 61-aad xagga tartiibka suuradaha 114ta ee Quraanka kariimka ah.
Waa suuradda lagu xusay magaca nebiga (NNKH) ee Axmed. Magaca Axmed wuxuu Ilaahay ku xusay
Quraanka kariimka hal mar, magaca Muxammadna afar mar. Isku dar magacyada Muxammad iyo Axmed
ayaa Quraanka lagu xusay 5 mar, marka shanaadna haddaynu u eegno tartiibka magacdaasi Quraanka
loogu xusay, waa marka Axmed lagu xusay ee suuraddan Saf.
Afarta kalee Maxammed uu Ilaahay Quraanka kuxusay, ayaa wuxuu ugu kala xusay sidan: Aal
Cimraan, Axzaab, Muxammad iyo Al Fatax. Xikmad Rabbi ayaa ku jirtay markii uu Ilaahay ka dhigay
marka shanaad ee tartiibka loogu xusay Quraanka magacda Nebiga in laga dhigo magaca Axmed
oo lagu xuso suuradda Saf.
Sidaas darteed, haddaynu eego qaabka Carabi ahaan uu u qoran yahay magaca Axmed, waxaynu
heleynaa inuu yahay Alif, Xaa’ kuxigta, Miim ku xiga iyo daal ugu dambeeyo. Marka aad eegto
Alifku, wuxuu matalayaa sawir ahaan qof taagan, Xaa’duna qof rukuucsan, Miimkuna qof
sujuudsan, halka Daalkuna uu matalaya ama uu muujinaya qof u fadhiya tasha-hud (attaxiyaat). Taasu waxay muujineysaa mucjisada magaca Axmed iyo
qaabka uu uqoran yahay.
Dhanka kale, waxaa isweydiin mudan: Haddii Quraankani uu ka iman lahaa xagga nebi Muxammad (NNKH), oo aanu ka iman lahayn xagga Allaah, Muxuu
u yiri Axmed, oo uu ugu xusi waayay booska Axmed magaca Muxammad? U fiirso!! magaca Muxammad afarta mar ee lagu xusay Quraanka kariimka kama
sheekeynayaan in nebi Muxammad magaciisa lagu xusay kutubbadii hore amaba ay ku bishaareeyeen nebiyadii hore, laakiin marka qaabka Axmed loogu
xusay ee marka qura ah ayaa ka sheekeyneysa in magaca nebi Muxammad kutubbadii hore lagu xusay, tiiyoo qaar kamid ahi nebiyada Allaahna ay
umadahoodu ugu bishaareeyeen.
Haddaba xilligii ugu habboonaa iyo booskii ugu muhiimsanaa ee uu nebi Muxammad u adeegsan lahaa magaciisa caanka ah ee Muxammad, miyuu gelin
lahaa ama uu u adeegsan lahaa Axmed (iyadoo ay dhici karta in dadka hadhow ay shakiyaan oo ay yiraahdaan: ninkani Axmed lama yiraahdo oo
Muxammad ayaa la yiraahdaa) haddii uu Quraankani xaggiisa ka yimid? Jawaabtu waa maya. Haddii kitaabkani uu ka yimid xagga nebi Muxammad
(NNKH), marka uu ka qisoonaya qisadii uu nebi Ciise qoomkiisa ugu bishaareynayay in gadaashiis uu iman doono nebi la yiraahdo Axmed, wuxuu oran
lahaa: Nebi Ciise baa qoomkiisa ku yiri: Gadaashay waxaa iman doono nebi la yiraahdo Muxammad.
Tani waa daliil iyo burhaan mucjiseed oo weyn oo caddeyneysa xaqnimada nebi Muxammad, waayo isagu wuxuu inoo soo gaarsiiyey xaqa sidii uu Ilaahay
ugu waxyooday, waxaanay tani ina tusineysaa in nebigii Alle ee Muxammad (NNKH), aanu ku hadaaqeyn wixii uu jeclaa ama sidii uu rabay, bal ee taa
caksigeedu uu wax waluba inoogu soo tebiyey siduu Allaah kor ahaaye u yiri.
Ma wuxuu ahaa nin caalim ah, oo casrigiisu uu yiri qalab iyo teleskobya iyo tiknoloojiya isaga u gaar ahayd, mise wuxuu ahaa nin cilmigii taariikhda hore

wax ka yaqiinay oo kutubbadii hore kor ka qeybay, mise wuxuu ahaa nin dhul mareen ah oo dad iyo dhulba aqoon durugsan u lahaa? Mise ma wuxuu
ahaa nin qarniga aynu imminka joogna oo kale joogay oo dadka uga hormaray aqoonta fiddiaayaatka hawada iyo badmareennimada? Mise mise? Intuba
ma uusan ahayn Nebi Muxammad (NNKH), waxaabse cajiib ahaa inuu ahaa nimaanan wax qorin waxna aqrinin, kaaga daranka wuxuu ahaa nin aanan
aqrin kareyn magaciisa oo qoron. Haddii aad uqori lahayd Cali iyo Xuseen iyo Maxammed, oo aad ku oran lahayd kasoo dhex saar magacaada, waxaa
dhici lahayd inaanu kasoo dhex saari kari lahayn. Kaasu waa nebiga ummiga ahi ee uu Ilaahay u doortay risaalada kownkan.
Haddaba xikmadda ku jirtaahi in marka shanaad uu Quraanka ugu soo arooro qaabka Axmed, maxay tahay? Tiiyoo aynu ognahay in markaasi oo qura ay
ahayd markii loogu baahi badnaa in uu ugu soo arooro mubaasharatan magaca Muxammad? Runtii tani waa Mucjiso Rabbaani ah oo caddeyneysa
xaqnimada Quraanka kariimka ah.
U fiirso, magaca Muxammad iyo Axmed waa labo magac oo Carbeed, macna ahaanna waa isku mid. Keliya waxay ku kala duwan yahiin inay kala yihiin ficil
dhici doono iyo ficil dhacay. Labadoodubana macno ahaan waxaa loola jeedaa MAHADIN.
1. Axmed, waa ficil dhici doono (muddaaric), taasoo macna ahaan noqoneysa: Mid lamahadin doono
2. Muxammad, waa ficil dhacay (maadi), taasoo macnaha ahaan noqoneysa: Mid la mahadiyey.
Farqiga labada magac ayaa kala ah sidaas, sidaas darteed baa nebi Ciise oo ka horreeyey nebi Muxammad (NNKH) oo inooga warramaya inuu iman
doono bacdigiisa nebi Muxammad, baa wuxuu adeegsaday macnaha ah (Mid la mahadin doono) macnaha Axmed, yaa mahadin doono? Waxaa mahadin
doono Allaah, iyo Malaa’ikta iyo umaddiisa xilligaas iyo umadaha Qiyaamaha oo dhami.
Markiina uu yimid nebiga (NNKH) yacni uu dhashay Ilaahay wuxuu qaddaray in loo bixiya magacii kalee xilligaasi ku habboonaa, oo tilmaamayay mahadintii
inay dhacday, kaasoo ahaa (Mid la mahadiyey), yacni Muxammad.
Ilaahay markii uu inooga warramayay qisadii uu nebi Ciise ugu bishaareynayay imaanshiyaha nebigeenna isaga bacdigiis, wuxuu inoogu soo gudbiyey
siday u dhacday qisada iyo hadalkii iyo erayadii uu adeegsaday Ciise oo ah (Mid lamahid doono/ Axmed).
Taa macnaheedu waxaa weeye, Quraankani inuu ka yimid xagga Allahii joogay xilligii Ciise, ee siday wax u dhaceen usoo gudbiyey, waayo Muxammad ma
aanu ogaan karin lahayn erayada iyo sidii loo yiri, illeen ma uusan joogin isaguye.
Intaa kadib marka aynu isku dayno inaanu ka hadalno maanta, mucjisada raqameed ee magacan Axmed iyo magaca Muxammad ee suuraddan Saf,
waxaynu jecel nahay inaanu marka hore is xasuusinno inaynu ka amba qaadi doonno raqam mucjiseedka cajiibka ahaa ee mucjisada Quraanka asaasiga
u ahaa, kaasoo ahaa raqamka 7.
Suuradda Saf, ee marka shanaad uu kusoo arooray magaca nebiga, waa suuradda keliya ee loogu xusay qaabka Axmed, waana suuradda 61-aad xagga
tartiibka Quraanka kariimka. Aayaddeeda 6-aad Ilaahay kor ahaaye wuxuu ku yiri markii uu ka qisoonayay qisadii bishaareynta Ciise uu ugu
bishaareynayay xertiisii imaanshiyaha isaga bacdigiis uu iman doono nebi lamahadin doono:
وَإِذْ ﻗَﺎلَ ﻋِﯿﺴَﻰ اﺑْﻦُ ﻣَﺮْﯾَﻢَ ﯾَﺎ ﺑَﻨِﻲ إِﺳْﺮَاﺋِﯿﻞَ إِﻧِّﻲ رَﺳُﻮلُ اﻟﻠَّﮫِ إِﻟَﯿْﻜُﻢ ﻣُّﺼَﺪِّﻗﺎً ﻟِّﻤَﺎ ﺑَﯿْﻦَ ﯾَﺪَيَّ ﻣِﻦَ اﻟﺘَّﻮْرَاةِ وَ ﻣُﺒَﺸِّﺮاً ﺑِﺮَﺳُﻮلٍ ﯾَﺄْﺗِﻲ ﻣِﻦْ ﺑَﻌْﺪِي اﺳْﻤُﮫُ أَﺣْﻤَﺪُ
.[(ﺳﻮرة: اﻟﺼﻒ، اﻵﯾﺔ (6]
Cibaaradda ugu muhiimsan ee khuseyso mowduuceenna, waa qeybta dambee aayadda ee aan khadda cas mariyey, waana qeybta ka warramaysa
bishaarada Ciise uu qoomkiisa ugu bishaareynayay imaanshiyaha isaga bacdigiis uu iman doono nebi la mahadin doono. Haddaba haddii aad u fiirsato
cibaaraddaasi inta xaraf ee ay ka kooban tahay, waxaad heli doontaa inay noqoto 28 xaraf, taasoo ah dhowr jibbaarka raqamka 7, Subxana-Allaah
7*4= 28, Subxana-Allaah!!.
Magaca Axmed ee ku xusan cibaaraddaasi wuxuu ka kooban yahay 4 xaraf, oo kala ah, Alif, Xaa’, Miim iyo Daal. Haddaynu u fiirsanno inta mar ee uu xaraf
kastoo kamid ah xuruuftaasi uu kusoo noqnoqday isla suuraddaasi, waxaynu heli doonnaa in:
Xarafka Alif lagu xusay 138 mar
Xarafka Xaa’ lagu xusay 13 mar
Xarafka Miim lagu xusay 75 mar
Xarafka Daalna lagu xusay 19 mar.
Isku dar natiijada xuruuftani waa 245, taasoo lamid ah dhowr jibbaarka raqamka 7. Subxana-Allaah!!.
7* 35= 245 Subxana-Allaah!!.
Xusuusnow aqriste, raqamka dhowr jibbaarka 7 inagu siiyey tiradan 245, waa raqamka cas ee 35. Dhanka kale marka aynu eegno xuruufta Muxammad,
waxaynu heleynaa in iyana ay ka kooban yahiin 4 xaraf oo kala ah Miim, Xaa’, Miim iyo Daal.
Haddaanu u fiirsanno inta mar ee xuruuftani ay isla suuraddani ku soo laablaabteen, waxaynu arki doonnaa in calaaqad raqameed ay ka dhaxayso
magacyada Axmed iyo Muxammad. Sidaa darteed waxaanu heli doonnaa in:
Xarafka Miim lagu xusay 75 mar
Xarafka Xaa’ lagu xusay 13 mar
Xarafka Miim lagu xusay 13 mar
Xarafka Daalna lagu xusay 19 mar.
Haddaba isku dar tirooyinka aynu ku helnay xuruuftani, ayaa waxay yahiin 182, taasoo lamida dhowr jibbaarka raqamka 7 Subxana-Allaah!!.

7*26= 182 Subxana-Allaah!!

Xusuusnow aqriste raqamka dhowr jibbaarka 7 inagu siiyey tiradan 182, waa raqamka cas ee ah 26.
Haddii raqamkii hore ee dhowr jibbaarka 7 inagu siiyey tirada 245 oo ahayd wadarta xuruufta Axmed uu ahaa raqamkii casaa ee 35, raqamkii dhowr
jibbaarka 7 inagu siiyey tirada 182 oo ahayd wadarta xuruufta Muxammadna uu ahaa 26, kaalay aan isku darno labadan raqam ee aynu ka kala helnay
labada cidhif ee magacda Axmed iyo Muxammad.
26+ 35= 61, Subxana-Allaah!!, tanina waa tartiibka suuradda lagu xusay magaca Axmed ay Quraanka uga jirta. ….
61, waa tartiibka suuradda Saf, ay uga jirta Quraanka kariimka.
Waxaa kaloo cajiib ah, haddaynu isku darno wadarta xuruufta Axmed sida ay suuraddaasi Saf ugu soo arooreen oo ah 245 iyo wadarta xuruufta
Muxammad sida ay suuraddaasi Saf ugu soo arooreen waxaynu heleynaa natiijadan:
245+ 182= 427, Subxana-Allaah, tanina waa dhowr jibbaarka raqamka 7.
7*61= 427 Subxana-Allaah!!.
Waxaa kaloo mucjiso ah, raqamka dhowr jibbaarka 7 inagu siinaya tiradaas 427, waa raqamka 61, kaasoo mar kale ah tartiibka suuraddan ay Quraanka

kariimka ah uga jirta.

W/T  Sahal

Nagala Soo Xiriir

Qanciyeweb@gmail.com

Ama Skype-keena Oo Ah Qanciye.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Join Us Our Facebook Fun Page